Karim Benzema Oo Ka Hadlay Riyadiisa Ku Guulaysiga Ballon d’Or

Karim Benzema ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 9 gool 7 kalena caawiye ka noqday 8 kulan oo La Liga ah.

Weeraryahanka ayaa lagu soo daray 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan Abaalmarinta Ballon d’Orka sanadka 2021 laakiin ima muuqdo mid ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta.

Isagoo ka hadlayay abaalmarinta qaaliga ah, wuxuu u sheegay AS: “Tan iyo markii aan yaraa, mar walba waxay ii ahayd riyo inaan ku guuleysto Ballon d’Or, waa riyada inta badan ciyaartoyda.

“Waa run in kubbadu ay tahay ciyaar kooxeed laakiin marka aad kooxda ka caawiso inay guulaysato, marka aad kaalin ka qaadato guulaha, markaad dhaliso goolal waa iska caadi in uu ciyaartoy kasta ku riyoodo abaalmarinta Ballon d’Or-k”.

“Dabcan, waxaan ku dadaali doonaa intii karaankeyga ah inaan ku guuleysto abaalmarintaas, waxaana rajaynayaa, in maalin uun, aan fulin doono riyadii aan lahaa markii aan yaraa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*