Karim Benzema Oo Ka Hadlay Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Garabka Kulankii El Clasico.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka hadlay dhaawacii garabka ka soo gaadhay kulankii El Clasico ee Spanish Super Cup-ka.

Xiddiga reer France ayaa ka dhaawacmay garabka intii ay socotay kulanka laakiin dhamaystay ciyaarta.

“Waa wax iska caadi ah in la daalo ciyaarta ka dib,” Karim Benzema ayaa yiri, mar wax laga weydiiyay taam ahaanshihiisa.

“Mar walba waxaad siisaa wax walba oo aad awoodo kulanka El Clasico, waxana aan siinay Barcelona fursado mana ahan wax fiican”.

“Kulanka El Clasico waxa aad is arkaysaa adiga oo dhinac walba u ordaya dhamaadkana waxa aad dareemaysaa daal sababta oo ah waan badinay ugu dmabayntii”.

“Garabkaygu waa caadi, waa jug yar”Ayuu Benzema sii raaciyay hadalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*