Karim Benzema Oo Isku Qoray Taariikhda La Liga.

Karim Benzema ayaa taariikh kale oo shaqsi ah ku gaadhay goolkiisii ​​300-aad iyo 301-aad ee Real Madrid kulankii ay sabtidii 4/1 ku xasuuqeen Valencia kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga reer France ayaa goolka 1-aad dhaliyay daqiqiadii 43-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo gool u badalay rikoodhada.

Karim Benzema ayaa kadib daqiqiadii 88-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kulanka isaga oo sidaas ku sameeyay taariikh cajiib ah.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa noqday kaliya xiddigii 4-aad ee Real Madrid u dhaliya 300 oo gool isaga oo ka dambeeya xiddigaha Alfredo Di Stefano (308), Raul (323) & Cristiano Ronaldo (450).

Waxa intaas sii dheer in labadii gool ee uu Benzema dhaliyay kulankii Valencia ahaayeen 16-aad iyo 17-aad horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib 20 kulan oo uu ciyaaray.