Karim Benzema Oo Isha Ku Haya In Uu Jabiyo Rikoodh Uu Real Madrid U Dhigay Halyeeyga Raul.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa isha ku haya in uu jabiyo rikoodhada xilli ciyaareedkan marka ay kooxda Real Madrid caawa marti galin doonto kooxda Sherif kulan ka tirsan champions League.

Karim Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 8 gool 7 kalena caawiye ka noqday 7 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Benzema ayaa doonaya in uu gool ka dhaliyo gool kooxda Sheriff Tiraspolsi uu u dhaafo Halyeeyga Rual isla markaasna noqdo xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda champions League.

Xiddiga Benzema ayaa haatan la mid ah Raul isaga oo leh 71 gool champions League waxana uu isha ku hayaa in uu kali ku noqdo kaalinta 4-aad ee xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda champions League.

Karim Benzema ayaa ka dambayn doona xiddigaha Cristiano Ronaldo oo leh 135 gool, Lionel Messi oo leh 120 gool iyo Robert Lewandowski oo leh 75 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*