Karim Benzema Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Kulanka Atletico Madrid.

Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa in uu luminayo dagaalka uu ugu jiro in uu taam u noqdo kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto Atletico Madrid habeenka Axada ah horyaalka La Liga.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Celtic ee todobaadkii hore.

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa todobaadkii hore sheegay in uu Karim Benzema taam u noqon doono kulanka Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France ku dhawyahay in uu seego kulanka Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Karim Benzema ayaa haatan la filayaa in uu seego kulanka ay Kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.