Karim Benzema Oo Dhaafay Rikoodhkii Uu Raul Gonzalez Ka Dhigay Champions League.

Karim Benzem ayaa dhaliyay goolka kaliya ee kulankii ay Real Madrid ka dhalisay kooxda Sherrif guuldarada 2/1 ahna kala kulantay kooxda iyaga oo jooga garoonkooda Santiago Bernabeu taas oo la macno ah in uu dhaafay rikoodhkii uu kooxda u dhigay Raul Gonzalez.

Benzema ayaa haatan noqday xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda champions League kadib markii uu dhaliyay gool kulankii ay Real Madrid guuldarada lama filaanka ah kala kulantay kooxda sheriff.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan isaga oo leh 135 gool waxa ku xiga xiddiga Lionel Messi oo dhaliyay 121 gool kadib goolkii uu ka dhaliyay Man City halka uu xiddiga Robert Lewandowski ku xigo isaga oo leh 75 gool.

Benzema ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 8 gool oo La Liga ah waxana uu caawiye ka noqday 7 kale ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*