Karim Benzema Oo Dalbaday In Uu Qaato Masuuliyad Uu Sergio Ramos Fuliyo.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ka codsaday in uu laagto laadadka xorta ah ee loo dhigo kooxda.

Benzema ayaa tababarihiisa u sheegay in uu farqi u samayn karo laadadka xorta ah hadii loo dhiibo marka ay kooxdu hesho kulamada.

Real Madrid ayaa ku dhibaatootay laadadka xorta ah tan ilaa markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda Real Madrid tan ilaa sanadkii 2018.

Labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay Real Madrid ayaa kaliya badisay 3 gool oo laad xor ah  iyad aoo ay u dhaliyeen xiddigaha Isco, Sergio Ramos iyo Dani Ceballos.

Xiddiga Karim Benzema ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu dhalinayo laad xor ah markii uu joogay kooxda Lyon ka hor intii uuna ku soo biirin Los Blancos.

Sergio Ramos ayaa ah xiddiga masuulka ka ah laadadka xorta ah ee goolka u dhaw laakiin marka uu Ramos maqan yahay waxa laagta xiddigaha Isco, Asensio, Kroos iyo Casemiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*