Karim Benzema Oo 10 Kulan U Jira Rikoodh Taariikha Ah Oo Ka Yaala Real Madrid.

Karim Benzema ayaa haatanba Real Madrid u ciyaaray 517 kulan waxana uu kaliya u baahanyahay 10 kulan si uu ula bar-bareeyo Roberto Carlos rikoodha xiddiga Ajnabiga ah ee kulamada ugu badan u ciyaaray taariikhda kooxda.

Xiddiga reer France ayaa bilowday xilli ciyaareedkii 12-aad ee Real Madrid tan ilaa markii uu kooxda yimid sanadkii 2009.

Benzema ayaa dhaliyay 250 gool kulankii uu goolka ka dhaliyay kooxda Levante waxana uu ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Halyeeyga Carlos ayaa haatan haysto rikoodhka xiddiga Ajnabiga ah ee kulamada ugu badan u ciyaaray Real Madrid isaga oo ciyaaray 527 kulan.

Karim Benzema ayaa dhankiisa ilaa haatan u ciyaaray Real Madrid 517 kulan waxana uu u baahanyahay kaliya 10 kulan xilli ciyaareedkan si uu u bar-bareeyo rikoodhkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*