Hugo Gatti”Karim Benzema Ayaa Ka Fiican Lionel Messi”

Goolhayihii hore ee Xulka qaranka Argetine ee Hugo Gatti ayaa sheegay in uu Karim Benzema xilli ciyaareedkan ka fiicanyahay xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

Karim Benzema ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulaha Real Madrid ee xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba kooxda ilowsiiyay qayb ka mid ah goolashii Cristiano Ronaldo.

Benzema ayaa Los Blancos ku riixay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda u dhaliyay 19 gool oo horyaalka La Liga ah.

“Waxa aan horay u sheegay in uu Lionel Messi yahay mid fiican waliba haysto wax walba oo uu ciyaartoy u baahanyahay laakiin wakhti xaadirkan Karim Benzema ayaa ka fiican Messi”ayuu Gatti u sheegay waraysi uu siinayay Chiringuito

“Waa uu ka sarreeyaa Messi, kaliya waxaad ubaahan tahay inaad daawato kubada cagta si aad u aragto in uuna Messi ku jirin qaab ciyaareed fiican muddo dheer”.

“Benzema waxa uu kooxdiisa Siinayaa wax ka badan waxa uu Messi siinayo Barcelona, xiddiga reer waxa uu samaynayaa wax uuna horay u samayn intii uu joogay Real Madrid”.

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Dhimasho & Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*