Kane, Lampard, De Bruyne, Alli, Kane, Dybala, Lacazette & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha kala duwan ee yurub ay suuqa u gali doonaan si ay u xoojiyaan kooxohooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo aan si joogto ah u ciyaarin kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in wararka aanu ka soo xiganay wargaysyada kubada cagta ee ku hor xusan wararka wax masuul ahna kama nihin.

Kooxda Tottenham ayaa wadahadalo la furtay xiddiga Harry Kane si ay heshiis cusub oo 6 sano ah uga saxiixdaan ugana hor istaagaan in uu ku biiro Man City (Independent).

Shaqada Tababaranimo ee Frank Lampard ayaa ku jirta khatar kadib guuldaradii Man City iyada oo maamulka kooxdu bilaabeen raadinta badalkiisa (The Athletic).

Tababaraha Cusub ee kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa wadahadalo la qaatay xiddiga Dele Alli si uu u keeno kooxda (Mirror).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga weerarka ka ciyaara ee Paulo Dybala hadii uuna heshiis cusub saxiixin (Tuttosport).

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer aya doonaya in uu ugu yaraan 6 xiddig kooxdiisa ka fasaxo suuqa January (Sun).

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo weeraryahan cusub suuqa January (Goal).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in ay kooxdu wadahadalo heshiis kordhin ah oo ay doonayso in ay heshiis cusub kaga saxiixato Alexandre Lacazette (Standard).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna garanayn in ay kooxdiisu suuqa January la soo saxiixan doonto xiddigo cusub (Liverpool Echo).

Kooxda Arsenal ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco (Mirror).

Kooxda Man City ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa loo soo bandhigay kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo celinayso xiddiga khadka dhexe ee Lucas Torreira (Exprees).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jiraan kooxda Lille si ay u helaan saxiixa xiddiga Sven Botman (Star).

Kooxda Man United iska diiday saxiixa xiddiga daafaca Bayern Munich ee David Alaba sabab la xidhiidha mushaharkiisa oo aad u sareeya (Star).

Kooxda Man United ayaa Ac Milan kula tartami doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Boubakary Soumare (Sun).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*