Salah, Kane, Cavani, Suarez, Neves, Ronaldo, Mbappe, Lingard & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa kooxdiisa Tottenham ku qabsi doona in uu isgaa tago hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions league xilli ciyaareedka dambe (Athletic).

Kooxda Man United ayaa dhankeeda diyaar u ah in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigo dhawr ah oo kooxda 1-aad ah si ay u hesho saxiixa xiddiga Harry Kane xagaaga (Mirror).

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ayaa go’aan ku gaadhay in uu ku soo laabto kooxda Liverpool kadib markii uu 7 sano ka maqnaa kooxda Laakiin kooxda David Beckham ee Inter Miami ayaa ku cidhiidhinaysa Liverpool saxiixa xiddiga (Todofichajes).

Kooxda Liverpool ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pedri laakiin Kooxda Reer Catalonia ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga (Mirror).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolve ee Ruben Neves kaas oo ay u aragto badalka Paul Pogba (90min).

Kooxda Arsenal ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Jesse Lingard laakiin West Ham ayaa ku garbinaysa saxiixiisa (Star).

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG u soo bandhigi doonto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo si ay badalkiisa u helaan xiddiga Kylian Mbappe (Tuttosport).

Kooxda PSG ayaa dhankooda wadahadalo Rasmi ah la furtay wakiilka xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ay doonayaan saxiixiisa si ay ugu buuxiyaan booska Kylian Mbappe (Téléfoot).

Kooxda West Ham ayaa Man United u sheegtay in ay iska ilowdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice (Sun).

Xiddigaha Kooxda Man United ayaan doonayn in uu xiddiga Paul Pogba ka tago kooxda xagaaga (Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato Goolhayaha kooxda West Brom ee Sam Johnstone (Sun).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Edinson Cavani ayaa qarka u saaran in uu heshiis u saxiixo kooxda Boca Juniors (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate (Sun).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*