Kalsooni Mise Ka Bad-Badiso: Martin Odegaard Oo Kashifay Mudada Ay Arsenal Ku Guulaysan Doonto Champions League.

Martin Odegaard ayaa shaaca ka qaaday hamiga cajiibka ah ee ay Arsenal u leedahay ku guulaysiga Champions League sanadaha soo socda.

Gunners ayaan ka qayb qaadan tartanka champions League tan ilaa sanadkii 2017 haatana ma ciyaarayso tartamada yurub markii ugu horaysay muddo 25 sano ah.

Inkasta oo ay dhibaatoonayso kooxdu hadana Odegaard ayaa rumaysan in ay cid walba oo kooxda ah leedahay rajo ah in ay gaadhi doonto halka ugu saraysa mar kale.

“Waxaan u maleynayaa xilli ciyaareedkan sida iska cad waxaan dooneynaa inaan dib ugu soo laabanno tartamada yurub, arintaas waxa ay muhiim u taay xiddiaha, kooxda iyo taageerayaasha”ayuu Xiddigu u sheegay Sky Sport.

“Kadib waxan rajaynayaa in aan muddo 2 sano gudohood ah in aan ku guulaysano champions League”.

“Kooxdu waxa ay u baahantahay in ay ku soo laabato halka ugu saraysa kubada cagta yurub, cid walbana way igu raacsantahay, ma ahan wax aan mar walba ka hadalno laakiin waa sida ay arimuhu tahay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*