
Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa bogiisa Instagram-ka ku shaaciyay shaxdiisa ugu fiican ee kubada cagta isaga oo sidoo kale doortay tababaraha shaxdiisa.
Waxa aad ka fikiraysaa in uu Zlatan Ibrahimović soo doortay xiddigo kale kuwaas oo uu u doortay shaxdiisa ugu fiican ee kubada cagta.
Maya, ma ahan sidaas, Zlatan Ibrahimović ayaa qaaday talaabo ka yaabisay adduunka kubada cagta kadib markii uu 11-ka xiddig ee shaxdiisa ka dhigay isla isaga.
Zlatan Ibrahimović Ayaa isaga isku magacaabay min goolhayaha ilaa weerarka halka uu sidoo kale tababaraha shaxdiisa u doortay isla isaga.
Be the first to comment