Kaliya 3 Koox Oo Aan Wali Ka Bixin Tartanka European Super League

Kooxihii Ku midoobay tartanka European Super League ayaa mid-mid uga baxay tartanka kadib markii ay kaliya ku dhawaaqeen bilaabashada tartanka Isniintii kadib markii ay la kulmeen cadaadis waali ah.

Tarantanka European Super League ayaa ahaa mid ay ku midoobeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kaas oo ay ku doonayeen in ay ku helaan lacag ka badan midka ay ka helaan champions League.

Si kasta ha ahaatee Tartanka European Super League ayaa la kulmay diidmo cad oo uga yimid xidhiidhada, xukuumadaha iyo waliba taageerayaasha kuwaas oo door weyn ka qaatay joojinta tartanka.

Xalay ayay ahayd markii ay kooxuhu bilaabeen in ay ka baxaan tartanka kadib cadaadis xoogan oo ay kala kulmeen taageerayaashooda iyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxaha.

Kooxaha Premier League ayaa xalay ugu hor baxay waxana ilaa haatan iska soo daba dhacaya kooxaha ka baxaya tartanka iyaga oo kooxaha Atletico Madrid, Ac Milan, iyo Inter Milan ay dhamaantood ka hadheen tartanka.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay jiraan kaliya 3 kooxood oo aan ilaa haatan ka bixin tartanka European Super League kuwaas oo kala ah kooxihii ka dambeeyay Aas-Aaska tartanka kuwaas oo kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Juventus.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*