Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Dhamaadkii Todobaadkii 29-aad, Barcelona Oo Ku Dhaanaysa Atletico Madrid.

Horyaalka La Liga Ayaa Maraya meel xiiso leh maraya iyada oo dhamaadka xilli ciyaareedka ka dhimantahay 9 kulan xilli horyaalku ka dhexeeyo 3 kooxood oo ku loolamaya ku guulaysiga horyaalka.

Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa ay cid walba filaysay in ay Atletico Madrid si fudud ugu guulaysan doonto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan marka loo eego in ay kooxaha Real iyo Barcelona dhibaatoonayeen bilowgii xilli ciyaareedkan.

Laakiin tan ilaa bilowgii sanadka 2021 kooxda Barcelona ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican iyaga oo ku dhaw in ay soo qabtaan kooxda Atletico Madrid.

Kadib guushii Real Valladolid kooxda Barcelona ayaa hal dhibic u jirta kooxda Atletico Madrid hogaamiyayaasha horyaalka La Liga kuwaas oo guuldaro la kulmay todobaadkan.

Barcelona ayaa todobaadka dambe la ciyaari doonta kooxda Real Madrid iyaga oo Los Blancos gabi ahaan ka reebi doonta tartanka hadii ay ka badiyaan kooxda ay xafiiltamaan.

Image

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*