Kaka: Romelu Lukaku Weeraryahanka Ugu Fiican Adduunka, Halkan Arin Ayaa Sabab U Ah

Romelu Lukaku waa weeraryahanka 1-aad ee adduunka wuxuuna la mid yahay weeraryahankii hore ee Inter Milan Adriano, sida laga soo xigtay kubad sameeyihii hore ee Brazil Kaka.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa u dhaliyay Inter 24 gool xilli ciyaareedkii hore si uu ugu hoggaamiyo horyaalkoodii ugu horreeyay ee Serie A muddo 11 sano ah.

28 jirkaan ayaa dhaliyay 4 gool tartankii euro 2020 isaga oo xulka qarankiisa ka caawiyay in ay gaadho Semi-final-ka tartanka ka hor intii uuna ku laaban chelsea Suuqii xagaaga.

Xiddiga ayaa haatanba u dhaliyay 3 gool kooxda chelsea xilli ciyaareedkan Kaka ayaana sheegay in uu xiddiga reer Belguim la tayo yahay xiddigii hore ee Inter Milan.

“Romelu waa weeraryahanka 1-aad, waxa uu i xasuusiyaa Adriano markii uu ku jiray wakhtigiisii ugu fiicnaa”ayuu u sheegay Gazzetta dello Sport.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*