
Halyeeyga AC Milan, Kaka, ayaa magacaabay lix ciyaaryahan oo ugu cadcad inay u tartamaan Ballon d’Or 2025.
43-sano jirkaan ayaa abaalmarinta Ballon d’Or u doortay Mohamed Salah, Kylian Mbappe, Lamine Yamal, Ousmane Dembele, Raphinha iyo Virgil van Dijk.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in sanadkan finalka Champions League uu door muhiim ah ka ciyaari doono Ballon d’Or.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid ayaa u sheegay SPORTbible: “Tartanka sanadkan ee Ballon d’Or, waxa u tartami doona Mohamed Salah, Virgil Van Dijk, waa inuu sidoo kale waa in uu helaa aqoonsi”.
” Sidoo kale waxa u tartamaya Abaalmarinta xiddigaha Kylian Mbappe, Lamine Yamal iyo Raphinha”.
“Dembele waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, hadii uu wacdaro dhigo Final Champions League waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu cad-cad Abaalmarinta”.
Be the first to comment