
Xiddiga Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu ku biiro kooxda chelsea laakiin kooxda Bayer Leverkusen ayaa doonaysa in dib loo dhigo heshiiska ilaa dhamaadka bisha August sida ay sheegayaan wararka ka imanay Germany.
Kooxda Frank Lampard ayaa hogaaminaysay tartanka loogu saxiixa xiddiga 21 jirka ah kaas oo haatanba kooxdiisa Leverkusen u sheegay in uu isaga tagayo kooxda xagaaga.
Leverkusen ayaan xiddiga ka hor istaagi doonin in uu isaga tago kooxda laakiin waxa ay dalabanaysaa laca dhan 100 milayn oo euro si ay u fasaxdo xiddiga khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay Kicker, Chelsea ayaa ah kooxda kaliya ee diyaarka u ah in ay la kulmaan qiimaha ay Leverkusen doonayso iyada oo uu Havertz haatan doortay in uu ku biiro Chelsea.
Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay Leverkusen ay kaliya u oggolaan doonto Havertz inuu baxo marka tartankooda Europa League uu dhamaado Kaas oo noqon kara dhamaadka bisha August hadii ay gaadhaan final-ka tartanka.
Be the first to comment