Kai Havertz Oo Chelsea Ku Weeraray Shaqo Ka Caydhinta Thomas Tuchel, Sabab.

Kai Havertz ayaa su’aal galiyay go’aankii Todd Boehly uu shaqada kaga ceyriyay Thomas Tuchel wuxuuna madaxda cusub ee chelsea ku eedeeyay in ay si deg-deg ah u dhaqmeen.

Kooxda chelsea ayaa shaqada ka caydhisay tababare Thomas Tuchel kadib guuldaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Dinamo Zagreb kulan ka tirsanaa champions League.

Shaqo ka caydhinta Tuchel ayaa dhalisay muran badan iyada oo si weyn loo weeraray milkiilayaasha cusub ee kooxda chelsea.

Xiddiga Havertz ayaa haatan ku biiray dadka dhaleecaynaya Milkiilayaasha cusub ee chelsea isaga oo sheegay in uu go’aankii ay kooxdu qaadatay in uu ahaa mid ay ku deg-degtay.

Waxa uu u sheegay Kicker”aniguba sidoo kale waan yaabay, gaar ahaan marka aad eegto in aan si fician u ciyaarnay sanad iyo badhkii ugu dambeeyay waliba aan ku guulaysanay koobab”.

“Marka la eego in aanan si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedka hadana waxa aan ku jirnaa kaalinta 6-aad sidaas darteed waxa aan qabaa in lagu deg-degay go’aanka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*