Kadib Xiisihii Leicester City, Mikel Arteta Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Kieran Tierney

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxdiisa ee Kieran Tierney kadib hadal hayntii ugu dambaysay ee mustaqbalkiisa.

Daafaca reer Scotaland ee Kieran Tierney ayaa lala xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Kooxda Leicester City si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga iyada oo tababare Brendan Rodgers oo kala soo shaqeeyay xiddiga Celtic uu doonayo xiddiga xagaaga.

Markii wax laga waydiiyay mustaqbalka Kieran Tierney Tababare Mikel Arteta ayaa yidhi”Kieran Tierney meelna ugama socdo Arsenal xagaaga.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa kooxda Arsenal ugu soo biiray xagaagii la soo dhaafay isaga oo kooxda kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2024.

Sii Akhriso: 3 Dhalinyaro Somaliyeed Ah Oo Ku Dhimatay Maagalada Minnesota Ee Dalka Maraykanka & Daroogo Sabab U Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*