Kadib Sergio Busquets, Xiddig Kale Oo Xulka Qaranka Spain Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona Saacado Ka Hor Bilaabashada Euro 2020.

Xidhiidhka kubada cagta Spain ayaa xaqiijiyay in xanuunka Korona laga helay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Diego Llorente isaga oo ah xiddigii 2-aad ee laga helay xanuunka saacado ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020.

Xiddiga Diego Llorente ayaa maray baadhitaan isaga iyo xiddigaha xulka qaranka Spain si looga baadho xanuunka Korona ka hor kulamadooda tartanka.

Sidaas darteed xidhiidhka ayaa xaqiijiyay in xiddiga Diego Llorente laga helay xanuunka kadib baadhitaanka waliba uu gali doono karantiil.

Xiddigan ayaa ah midkii 2-aad ee xulka qaranka Spain ee laga helay xanuunka Korona ka hor bilaabashada tartanka taas oo khal-khal galinaysa qorshaha Tababare Luis Enrique ee tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka Spain ayaa isku diyaarinaya in uu ciyaaro kulankiisa ugu horeeya Isniinta soo socota isaga oo la ciyaari doona xulka Qaranka Sweden waana kulan aad u adag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*