Kadib Real Madrid & Barcelona.. Wakiilka Erling Braut Haaland Oo Ku Sugan England Si Uu Ula Kulmo 4 Kooxood Oo Premier League Ah Maanta Oo Jimce Ah.

Wakiilka Xiddiga Erling Braut Haaland ee Mino Raiola iyo Aabihiis Alf-Inge Haaland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin England si ay maanta oo jimce ah wadahadalo ula qaataan kooxaha Chelsea, Manchester United, Manchester City & Liverpool.

Mustaqbalka Haaland ee Borussia Dortmund ayuu Haatan shaki ku jiraa iyada oo xiddiga 20 jirka ah doonayo in uu isaga tago kooxda Ka ciyaarta horyaalka Bundesliga.

Khamiistii Mino Raiola iyo Alf-Inge Haaland ayaa ku sugnaa Spain iyaga oo la kulmay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid si ay ugala hadlaan suurtagalnnimada uu xiddigu ugu biiri karo labada kooxood.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa haatan sheegaysa in ay wakiilka xiddiga iyo aabihiis ku suganyihiin England si ay ula kulmaan 4 kooxood oo premier League Ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxahaas yihii Chelsea, Manchester United, Manchester City & Liverpool kuwaas oo lala xidhiidhinayay xiddiga bilihii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba  Qalbiga Soo Jiidanayo

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*