Kadib Pep Guardiola.. Man City Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Raheem Sterling dib markii Pep Guardiola uu mustaqbalkiisa u hibeeyay Citizens.

Guardiola ayaa lala xiriirinayay inuu Ku laabanayo kooxda Barcelona xagaaga laakiin tababaraha reer Spain ayaa haatan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo City ilaa 2023.

Kadib markii ay kooxdu hubisay mustaqbalka Tababaraha waxa ay haatan dareenkooda u jeedinayaan in ay heshiis cusub ka saxiixaan xiddiga reer England.

Sterling ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda waxana ay kooxdu doonaysaa in ay xiddiga kor ugu qaado mushaharka si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*