Kadib Ozil & sokratis, Arsenal Oo Kansalaysa Heshiiska Xiddigii 3-aad Suuqa January

Kooxda Arsenal ayaa sii wada nadiifinta kooxdeeda iyada oo wadahadao la furtay xiddig kale si ay u kansasho heshiiska uu kula jiro kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa horay u Kansashay heshiisyada xiddigaha Sokratis Papastathopoulos & Mesut Ozil kuwaas oo si xor ah isaga tagay kooxda.

Arsenal ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay wadahalo la furtay daafaca Shkodran Mustafi kaas oo ay doonayso in ay kansasho heshiiskiisa.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa kooxda u ciyaaray kaliya 3 kulan premier League waxana uu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay Arsenal wadahadalo kula jirto xiddiga Shkodran Mustafi si uu qaab xor ah uga tago kooxda inta ka dhiman suuqa January.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*