Kadib Markii La Gaadhay Semi-finalka FA Cup-ka Kooxaha Ugu Guulaha Badan Tartanka Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo saaray Isku aadka Semi-finalka ama 4 dhamaadka tartanka FA Cup-ka iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo si weyn loo sugi doono.

Tartanka ayay isku hadheen 4 ka mid ah 6-da kooxood ee ugu waaweyn Premer league iyada oo sidoo kale isugu hadheen kooxaha ugu guulaha badan tartanka taariikhdiisa.

Kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea iyo Man City ayaa isugu soo hadhay iyaga oo isaga hor iman doona Wembley kuna tartami doona ku guulaysiga koobka xilli ciyaareedkan.

FA Cup-ka ayaa ah koobka ugu taariikhda weyn koobabka laga ciyaaro 5-ta horyaal ee ugu waaweyn isaga oo leh taariikh aad u weyn oo cajiib ah.

4-ta koox ee isugu soo hadhay tartanka FA Cup-ka ayaa dhamaantood horay ugu soo guulaystay tartanka inkasta oo ay ku kala badan yihiin dhanka tirada.

Advertisements

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan koobka iyaga oo ku guulaystay 13 jeer halka ay Man United oo ku xigta ku guulaystay 12 jeer.

Chelsea oo ah kooxda 3-aad ayaa ku guulaystay 8 jeer halka Man City ku guulaystay 6 jeer.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan FA Cup-ka.

  1. 𝐀𝐫𝐬𝐞𝐧𝐚𝐥 (13)
  2. 𝐌𝐚𝐧 𝐔𝐭𝐝 (12)
  3. 𝐂𝐡𝐞𝐥𝐬𝐞𝐚 (8)
  4. Spurs (8)
  5. Aston Villa (7)
  6. Liverpool (7)
  7. Blackburn (6)
  8. 𝐌𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐭𝐲 (6)
  9. Newcastle (6)

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*