Kadib Markii La Ciyaaray 120 Daqiiqo Xulka Qaranka Italy Oo Garaacay Xulka Austria Iskana Xaadiriyay Wareega 8 Dhamaadka Euro 2020.

Xulka qaranka Italy ayaa iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020 kadib guul dirqi ah oo uu ka gaadhay xulka Austria kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa wareega 16-ka.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada xul iyada oo ay labadooduba soo bandhigeen ciyaar adag oo ay is ilaalin weyn ku jirto xilli uu xul walba iska ilaalinayay in gool laga dhaliyo.

Xiddiga Ciro Immobile ayaa daqiiqadii 32-aad helay fursadii ugu halista badnayd kulanka kadib markii uu xiddigu birta ku dhuftay kubad uu ku laagay Goolka xulka Austria.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab uu xulka Italy maamulayo ciyaarta xilli ay xiddigaha Austria difaac ku jireen waliba goolkooda ilaashanayeen.

Xulka Italy ayaa qaybtii hore si weyn ugu dhibaatooday goolka hortiisa iyaga oo aan helin fursadihii ay heleen taas oo keentay in uu xulka Austria helo dhiiri galin ay ku weeraraan xulka Italy.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xul soo bandhigeen ciyaar fiican oo adag inkasta oo uu xulka Italy ahaa xulka Fiican.

Qaybtii dambe ayuu xulka Austria si fiican ku bilowday qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay ka yaabsadaan xulka Italy oo dhankiisa maamulayay ciyaarta.

Daqiiqadii 65-aad ayuu xulka Austria dhaliyay gool lama filaan ah kadib markii uu xiddiga Arnautovic madax ku dhaliyay gool kaas oo ka niyay xulka Italy iyo taageerayaashooda.

Laakiin VAR ayaa badbaadisay Italy iyada oo u diiday goolka sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu ka hor intii uuna kubada shabaqa dhex-dhigin.

Waxa sidaas ku dhamaatay wakhtigii dabiiciga ahaa ee 90-ka daqiiqo iyada oo ayna labada xul ku kala bixin waliba ayna wax goolal ah kala dhalin.

Waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo si ay labada xul u kala baxaan midkoodna u dhaliyo gool uu ciyaarta wax kaga badalo.

Daqiiqadii 95-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo badal ku soo galay xulkiisana isdaas ugu dhiibay hogaanka ciyaarta.

Xulka Italy aya sii waday dadaalka ay ku doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan si ay xulka Austria ugu diidaan in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 105+1-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Matteo Pessina kaas oo isna dhankiisa badal ku soo galay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Italy ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Austria ayaa ku soo laabtay ciyaarta daqiiqadii 114-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sasa Kalajdzic kaas oo ciyaarta dib u furay kana dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Italy guul dirqi ah oo uu ku rafaaday ka gaadhay xulka Austria iskana xaadiriyay wareega 8 Dhamaadka euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*