Kadib Lovren & Lallana? 7 Xiddig Oo Ka Tagi Kara Liverpool Suuqa Xagaagan

Maalmo yar kadib markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalka premier League durba waxa isaga carabay xiddig kuwaas oo kooox cusub ku biiray.

Xiddigaha Dejan Lovren & Adam Lallana Oo Reds kaga soo biiray Southampton ayaa isaga tagay kooxda iygaga oo ku kala biiray laba kooxood oo kala duwan.

Lovren ayaa ku biiray kooxda reer Russia ee Zenit St Petersburg halka uu Adam Lallana ku biiray kooxda Premier League ee Brighton & Hove Albion.

Si kasta ha ahaatee labadaas xiddig ayaan noqon doonin xiddigaha boorsooyinka ka qaata kooxda ku guulaysatay horyaalka waxana la filayaa in ay xiddigo kale ka tagaan kooxaha todobaadyada soo socda.

Wargayska Mirror aya sheegay in ay jiraan 7 xiddig kuwaas oo laga yaabo in ay isaga tagaan Liverpool maalmaha soo iyo todobaadyada soo socda.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 7-da xiddig ee isaga caraabi doona Liverpool xagaagan:

Divock Origi

Xherdan Shaqiri

Marko Grujic

Harry Wilson

Loris Karius

Yasser Larouci

Ben Woodburn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*