Kadib Kulan Xiiso Leh Xulalka England Iyo Denmark Oo Bar-Baro Ku Kala Baxay.

Xulalka England iyo Denmark ayaa bar-baro ku kala baxay kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada xul isku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn.

Xulka England ayaa maamulayay ciyaarta halka xulka Denmark ciyaarayay weeraro gaal celis ah.

Daqiiqadii 8-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Harry Kane kaas oo ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafacyada xulka Denmark.

Xulka England ayaa sameeyay khaladkii ay sameeyeen kulankii Serbia oo ahaa in ay daafac galeen si ay u difaacdaan goolka ay ku hor mareen.

Xulka Denmark ayaa bilaabay in ay weerar ku qaadaan xulka England iyaga oo ka fiicnaa xulka England kuwaas oo daafac ku jiray.

Daqiiqadii 34-aad ayuu xulka Denmark dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Morten Hjulmad kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka Denmark ayaa u muuqday kuwo ay ka go’antahay in ay badiyaan halka xulka England doonayay in uu bar-baro kala boxo kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen bar-baro niyad jab leh iyada oo xulka England si weyn u dhibaatooday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga