Kadib Kulan Xiiso Leh PSG Oo Champions League Ka Reebtay Kooxda Difaacanaysa Tartanka Ee Bayern Munich.

Kulan kale oo xiiso leh ayaa dhexmaray kooxaha PSG iyo Bayern Munich kulan ka tiranaa lugta 2-aad ee wareea 8 dhamaadka champions League kulan ka dhacay garonka Le Parc des Princes.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday qaab dar-dar leh iyada oo labada kooxoodba isku qaadayeen weeraro halis ah oo khatar galiyay Goolhayayaasha labada kooxood.

Kooxda PSG ayaa ciyaaraysay kubad rogaal celis ah iyaga oo adeegsanayay orodka badan ee xiddigaha Neymar iyo Mbappe si ay u dhaawacaan kooxda Bayern munich oo dhankooda maamulayay kubada.

Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer ayaa ahaa xiddiga ugu fiican kooxda Bayern Munich marka la eego fursadaha waalida ah ee uu ka badbaadiyay kooxda PSG kuwaas oo sida roobka u khasaariyay fursado cajiib ah oo ay heleen.

Kooxda Bayern Munich ayaan odhan karnaa waxa si weyn ula jiray nasiibka marka la eego fursadaha ay iska khaasariyeen xiddigaha kooxda PSG kuwaas oo aan odhan karno iyaga ayaa sabab u ahaa in kooxda PSG laga badiyo.

Bayern Munich ayaa maamulayay ciyaarta waxana ay heleen fursado ay goolal ka dhalin kareen laakiin nasiibka ayaan ka caawin in ay kubada iyo shabaqa is taabsiiyaan.

Daqiiqadii 40-aad ayay kooxda Bayern Munic dhalisay goolka waxana madax u dhaliyay xiddiga Eric Maxim Choupo-Moting kaas oo ciyaarta furay kana dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore oo ay kooxda Bayern Munich natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba hogaaminayso laakiin kooxda PSG iska khasaariyeen fursado waali ah oo aan la aamini karin.

Qaybta dambe:

Kooxda Bayern Munich ayaa qaybtii dambe sii laba jibaartay dadaalka ay ku doonayso gool kale oo ciyaarta u gacan galiya halka ay kooxda PSG ciyaaraysay daafac iyo weeraro rogaal celis ah.

Kooxda difaacanaysa champions League ee Bayern Munich ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahaayeen gool kale xilli ay xitaa iska iloobeen difaacooda.

Arintaas ayay kooxda PSG dhawr mar ka faa’iidaystay iyaga oo kubad dheer u tuuray xiddiga Kylian Mbappe kaas oo lagu qabtay Offside dhawrkii mar ee uu kubada la hor tagay goolka.

Daqiiqadii 78-aad ayay PSG dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga reer France.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda PSG la kulantay guuldaro laakiin iska xaadirisay wareega Semi-final-ka tartanka champions League.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*