Kadib Kulan Xaraarad Leh Xulalka Germany & Switzerland Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay & Ukraine Oo Garaacday Spain.

Kulan xiiso leh oo ay labada xulba soo bandhigeen ciyaar qurux badan ayay bar-baro ku kala bexeen xulalka Germany Iyo Switzerland kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xulba isku yaacayeen oo uuna midkoodna difac ku jirin mid walbana doonayay sidii uu goolal u dhalin lahaa.

Xulka qaranka Switzerland oo dhigiisa Germany kaga naxsaday gool wakhti hore ah ayaa daqiiqadii 5-aadba dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mario Gavranovic.

Xulka Germany oo ahaa midka halista badan dhanka goolka hortiisa ayaa adeegsanaya xiddigaha orodka badan ee uu ugu horeeyo Timo Werner kaas oo mar walba halis ku ahaa daafaca Switzerland.

Daqiiqadii 26-aad ayu Xulka Switzerland sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu gool u dhaliyay xiddiga Remo Freuler kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa.

Laakiin Xulka Germany ayaan wax badan ka dambayn kadib markii uu xiddiga Timo Werner u dhaliyay goolka 1-aad ee xulkiisa waliba rajo siiyay.

Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Switzerland hogaaminayo natiijada laakiin dhanka qaab ciyaareedka la isku dheeli tirnaa inkasta oo uu Germany ahaa mid halis ku ah goolka hortiisa laakiin gool dhalinayntu ka maqnayd.

Qaybtii dambe ayuu xulka Germany dar-dartii uu qaybta hore ku dhamaystay ku bilowday iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiiqadii 55-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kadib markii uu ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay daafac Switzerland ah.

Laakiin Isla daqiiqadii 57-aad ayuu xulka Switzerland Hogaanka u qabtay ciyaarta mar kale iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Mario Gavranovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Xulka Germany ayaa bilaabay raadinta goolka bar-baraha iyo in ay ciyaarta mar kale ku soo laabtaan iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 60-aad ayuu xiddiga Serge Gnabry si qurux badan gool cidhib ah xulkiisa ugu dhaliyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Dhanka kale xulka qaranka Ukraine Ayaa garaacay xulka Spain iyaga oo kaga badiyay gool uu dhaliyay xiddiga Viktor Tsigankov daqiiqadii 76-aad.

Sii Akhriso: Lacagta Somaliland Oo Lagu Daray Liiska Lacagaha In Ka Kadan 180 Dal Oo Adduunka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*