Kadib Kulan Xamaasad Lahaa Chelsea Iyo Tottenham Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Stamford Bridge.

Kooxaha Tottenham iyo chelsea oo ku heshiiyay Dhibcaha premier League kulan ka dhacay Stamford Bridge oo waliba ahaa kulan xiiso iyo xamaasad leh.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood si taxadar leh u ciyaarayeen isla markaas mid walba doonaysay in ay goolal dhaliyaan.

Chelsea ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha xilli ayna Tottenham halis badan galin kooxda chelsea kuwaas oo aan difaac badan samayn.

Daqiiqadii 19-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Kalidou Koulibaly kaas oo gool qurux badan u dhaliyay hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

Tottenham ayaa bilowday in ay raadiso goolal ay ku dhaliso bar-baro iyaga oo qaadayay weeraro xilli ay Chelsea weeraro rogaal celis ah qaadaysay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ka baxday iyaga oo Natiijo ahaan hogaaminaya kulanka.

Qaybta dambe ayay Tottenham bilowday in ay raadiso gool ay ciyaarta ugu soo laabato xilli ay chelsea dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 68-aad ayay Tottenham dhalisay goolka ba-rbaraha waxana u dhaliyay xiddiga Pierre-Emile Højbjerg kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1.1 ah.

Labada kooxood ayaa is dhaafsanayay weerarada xilli ay labada kooxoodba doonayeen in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka kula wareegaan.

Daqiiqadii 77-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Reece James kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/1.

Tottenham ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Chelsea dhawr mar heshay fursado ay ciyaarta ku dili kartay.

Kooxda Tottenham ayaa daqiiqadii 90+6-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Harry Kane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood dhibcaha ku kala qaybsadeen Stamfrod Bridge labadooduba dhibco lumiyeen kulankoodii 2-aad ee premier League.