Moises Caicedo ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Chelsea ka tirsan ee albaabka u furay suurtagalnimada inuu mustaqbalka ku biiro Real Madrid.
Xiddiga reer Ecuador ayaa sheegay inuusan hadda ka fikirayn ka tagista London, balse ma uusan si buuxda u diidin inuu mustaqbalka u wareego kooxda loo yaqaan Los Blancos.
Arrintan ayaa imanaysa kadib markii tababaraha Chelsea, Liam Rosenior, uu ganaax laba kulan ah saaray Enzo Fernandez kadib markii uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Madrid.
Markii la weydiiyay inuu u ciyaari karo Real Madrid, Caicedo isagoo dhoola-caddeynaya ayuu u sheegay wargeyska AS: “Kubbadda cagta wax walba way dhici karaan, miyaanay ahayn?
“Waxaan hadda qandaraas kula jiraa Chelsea. Runtii si daacad ah ugama fikirin koox kale ama ka tagista London, laakiin ugu dambayn, kubbadda cagta wax walba way dhici karaan”
“Waxa kaliya ee aan doonayo waa inaan ku raaxaysto ciyaarta. Waxaan leeyahay qandaraas, waxaanan rabaa inaan sii ciyaaro inta uu Ilaahay ii ogolaado”
“Kadibna waan arki doonaa waxa dhaca. Mustaqbalka ayaa la eegi doonaa, bal aan aragno waxa na sugaya.”
Caicedo ayaa ku biiray Chelsea sanadkii 2023 isagoo kaga yimid Brighton, waxaana qandaraaskiisu soconayaa ilaa 2033.
Dhanka kale, ciyaaryahankii hore ee Chelsea, Emmanuel Petit, ayaa Caicedo ku daray saddex ciyaaryahan oo Blues ka tirsan kuwaas oo laga yaabo inay ka tagaan kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.
Be the first to comment