Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay…. 4 Dookh Oo Uu Zidane Ku Buuxin Karo Booska Dani Carvajal.

Kooxda Real Madrid ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib dhaawac soo gaadhay xiddiga Dani Carvajal kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa lugta Midig waxana la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doono bil iyo wax ka badan ah.

Hadaba wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday 4 dookh oo hor yaala Zidane si uu ugu buuxiyo booska Carvajal inta uu garoomada ka maqanyahay.

Xiddigaha Alvaro Odriozola, Nacho, Lucas Vazquez Iyo Ferland Mendy ayaa ah 4-ta xiddig ee uu Zidane ka fiirsan doono si uu ugu buuxiyo booska Carvajal.

Xiddiga Alvaro Odriozola ayaa ah badalka Tooska ah ee Carvajal laakiin xiddiga Ayaan haysan kalsoonida tababare Zidane.

Xiddiga Nacho ayaa ugu cad-cad in uu noqdo badalkiisa marka loo eego in uu horay uga ciyaaray booska marka loo baahdo.

Xiddigaha Lucas Vazquez Iyo Ferland Mendy Ayaa sidoo kale ah dookhyada hor yaala tababare Zidane si uu ugu xoojiyo booskaas.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Cusbitaalka La Dhigay & Xaaladiisa Oo Sii Xumaanaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*