Kadib Dhaawacii Joe Gomez, Liiska xiddigaha Ka Dhaawacmay Liverpool Tan Ilaa Bilowgii Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa la odhan karaa waa kooxda ugu dhaawacyada badan xilli ciyaareedkan Horyaalada ugu waaweyn yurub kadib dhaawacii Joe Gomez.

Daafaca reer England ayaa la sheegayaa in uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay tababarka xulka qarankiisa iyada oo laga saaray Liiska xiddigaha xulka Qaranka.

Joe Gomez ayaa la sheegayaa in uu lugta ka jabay intii uu ku jiray tababarkii maanta ee xulka qaranka England taas oo xaalka ku sii xumaynaysa kooxda Liverpool.

Joe Gomez ayaa noqday xiddigii 11-aad ee Ka dhaawacma Liverpool tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo kaliya 2 bilood la ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose kaga bogo Liiska xiddigaha ilaa haatan ka dhaawacmay Liverpool:

  1. Alisson
  2. Van Dijk
  3. Matip
  4. Gomez
  5. Alexander-Arnold
  6. Fabinho
  7. Keita
  8. Thiago
  9. Henderson
  10. Oxlade-Chamberlain
  11. Shaqiri

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*