Kadib Dalab Ka Yimid Mikel Arteta.. Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Xiddig Kooxda Jooga.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Rob Holding sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa ku dhawaaday in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaagii kuna biiro Newcastle laakiin Mikel Arteta ayaa joojiyay heshiiska.

Daafaca Rob Holding ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan kooxda u saftay 17 kulan tartamada oo dhan isaga oo muhiim ka noqday kooxda.

Rob Holding ayaa kooxda Arsenal kula jira heshiis dhici doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023 laakiin wargaska The Athletic ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Wararka ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga waliba doonayo in uu ku sii hayo kooxda mustaqbalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Maxay Gabadhu Ka Filaysaa Gacaliyeheeda Kadib Guurka, Ku Dadaal Ninow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*