Kadib Ciyaar Waali Ahayd Xulka Italy Oo Wakhtigii Dhimashada Bar-Baro La Galay Croatia Iskana Xaadiriyay Wareega 16-ka Euro 2024.

Xulka Italy ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dhimashada ku soo laabatay kulan ay la ciyaarayeen xulka Croatia kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Xulka Italy ayaa ahaa midka fiican ciyaarta laakiin Croatia ayaa ahayd kuwa halis badan galinayay goolka.

Croatia ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo Italy u ogolaaday in ay kubada haystaan.

Qaybtii hore ayay labada xul ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo xul walba wax walba u sameeyay in ay dhaliyaan goolal.

Xulka Croatia ayaa qaybtii dambe la soo galay ciyaar dar-dar leh iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool.

Croatia ayaa rikoodhe helay waxana si cajiib ah u badbaadiyay Goolhayaha xulka Italy iyada oo kubada laga qabtay Luka Modric.

Laakiin Modric ayaa daqiiqadii 55-aadba soo laabtay waxana uu dhaliyay goolka xulka Croatia isaga oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Croatia ayaa galay daafac iyaga oo doonayay in ay sidaas ku dhamaystaan ciyaarta.

Laakiin daqiiqadii 90+7-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka bar-baraha waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Italy iska xaadiriyay wareega 16-ka inkasta oo uu si weyn ugu dhibaatooday kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga