Ka Tagista Philippe Coutinho Ee Barcelona Oo Ku Jirta Gacanta Real Madrid, Qaab Noocee Ah.

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xidhiidhinayo kooxda Arsenal laakiin hadii ay Gunners ku fashilanto in ay Real Madrid kala heshiiso saxiixa xiddiga Martin Odegaard marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal waxana ay Gunners doonaysaa in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wargayska Daily Epxress ayaa sheegaya in hadii ay Arsenal ku fashilanto saxiixa Martin Odegaard u dhaqaaqi doonto saxiixa Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaaa doonaysa in ay xiddiga Martin Odegaard sii haysato laakiin Barcelona ayaa rajaynaysa in ay Real Madrid diido in ay ka iibiso xiddiga si ay iyagu iibiyaan xiddiga reer Brazil ee Coutinho.

Isku soo wada duuboo ka Tagista Coutinho ee Barcelona ayaa ku xidhan go’aanka ay Real Madrid ka gaadho xiddiga Martin Odegaard kaas oo ay Gunners si aad ah u doonayso saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*