Ka Hor Kulanka Maanta…Taariikhda Kulamada Liverpool & Man City Ee Horyaalka.

Kooxda Liverpool ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Man City kulan adag oo ka dhici doona garoonka Etihad kana tirsan horyaalka premier League todobaadkii 8-aad.

Kooxda Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo leh 16 dhibcood halka ay Man City ku jirto kaalinta 2-aad iyaga oo leh 11 dhibcood.

Kooda Liverpool ayaa doonaysa in ay garaacdo kooxda ay martida u tahay siina dheeraysato dhbcaha ay ka horayso kooxda Man City.

Taariikhda Kulamada Liverpool & Man City ee horyaalka premier League:

Taariikh ahaan kooxda Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa wada kulmay 46 kulan tan ilaa markii horyaalka magaca laga badalay waxana ay Liverpool badisay 20 kulan halka ay Man City badisay 10 kulan waxana ay labada kooxood bar-baro galeen 16 kulan oo kale.

Kooxda Liverpool ayaa Man City ka dhalisay 72 gool  premier League halka ay Man City kooxda Liverpool ka dhalisay 59 gool.

Halyeeyga Liverpool ee Ian Rush ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda labada kulan isaga oo Man City ka dhaliyay 8 gool.

Tan ilaa xilli ciyaareedkii 2016/2017 Liverpool ayaan Man City ka badin laba kulan oo xidhiidh ah iyada oo tan ilaa wakhtigaas labada kooxood wada ciyaareen 7 kulan waxana ay Liverpol badisay 2 kulan halka ay Man City badisay 3 kulan laba kulana waxa ay ku kala bexeen bar-baro.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha Loo Doortay Maraykanka Ee Joe Biden.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*