Ka Hor Kulanka Juventus.. Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim Ah.

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah u xaqiijisay dhaawaca xiddiga Philippe Coutinho kadib kulankii El Clasico ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa soo saartay warbixin ay ku xaqiijisay dhaawaca kubad sameeyaha inkasta oo uu dhamaystay kulankii El Clasico ee sabtidii.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in Philippe Coutinho ka dhaawacmay jilibka Lugta Bidix kadib markii baadhitaan buuxa lagu sameeyay.

Coutinho ayaa ka mid ah xiddigaha furaha u ah kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 5 kulan oo horyaalka La Liga ah iyo hal kulan oo champions League.

Dhaawaca Philippe Coutinho ayaa imanaya maalmo yar ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Juventus.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidiyay Xildhibaan Ka Tirsan Somaliya Oo Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*