Ka Hor Kulanka Habeen Dambe : Real Rikoor Noocee Ah Ayay Ku Leeyihiin Kooxaha Ukrine?

Kooxda Real Madrid ayaa habeen dambe marti gilineysa kooxda reer Ukrine ee Shakhtar oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga koowaad ee Group-yada Champion-ka

Waxa ay kooxda Zidane hamineysaa in guul ay ka gaaraan kooxda reer Ukrine si wada guusha ugu soo laabtaan ka dib guul daraddii La Ligaha ee Cadis ka qabsatay

Hadaba bogga Real ayaa soo bandhigay xog la xariirta kulamada ay horay ula ciyaareen kooxaha ka socda Ukrine taasi oo muujineysa in Real ay gacan sareysay dhamaan .

Real waxa ay horay ula kulmeen sedex koox oo Ukrine ah dhamaan tartamada yurub kuwaas oo kale ah Shakhtar , Dynamo Kyiv iyo Chernomorets mana jirto guulo ay kooxaahaas gaareen

Dhamaan kulamadaas Real ee kooxaha Ukrine waxaa 5 jeer badisay Real halka laba jeerna ay galeen bar bar dhac

Hadaba Real ma sii wadan doonaan rikoorka guulaha ee ay ku leeyihiin kooxaha Ukrine ?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*