Ka Hor Kulanka Caawa, Mohamed Salah Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Tottenham.

Indhaha taageerayaasha Premier League ayaa u jeedsan doona kulanka adag ee caawa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Tottenham ee horyaalka premier Leageu.

Liverpool ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ku fashilmeen in ay guul gaadhaan tartamada oo dhan.

Jurgen Klopp ayaa ku tiirsanaan doona xiddigiisa Mohamed Salah kaas oo ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa dhankiisa kulanka soo galaya isaga oo rikoodh fiican ku leh kooxda Tottenham kulamadii ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay.

Mohamed Salah ayaa Tottenham ka hor tagay 13 kulan tartamada oo dhan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool xagaagii 2017.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Mohamed Salah ayaa Tottenham ka dhaliyay 8 gool isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday gool kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*