Ka Hor Kulanka Bayern Munich , Waa Sidee Xaaladda Messi Iyo Dembele?

Messi ayaa lagu waramayaa in uu ku soo laabtay tababarka guud ee kooxda ka hor laba maalin kulanka Champion-ka ee Munich

Messi ayaa tababarkii maanta si wacan u sameeyay ka dib dhaawac ku gaaray kulankii Napoli ee sabtidii xilligaas oo ay Barcelona u soo baxday wareegga 8-da

Sidaas oo ay tahay waxa uu Messi tababarka sameeyay xilli goobta jugta ay gaartay ay kaga xeran tahay faashad waxaana taas loogan lahaa in bararka uu ka dego .

Sidoo kale Dembele ayaa tababarkii afaraad kooxda la sameeyay ka dib dhaawac muddo uu la maqnaa kaasi oo ka helaalay jilibka

Waxaa la xaqiijiyay in Dembele uusan dareemeyn wax xanuun ah qaab caadi ahna uu u dhameystay waxa uuna macalinka Barca sheegay in Dembele uu u raacayo safarka kooxda

Kaliya waxa uu wargeyska Mundo Deportivo xaqiijinayaa in xiddigaha la xaqiijiyay ee Barca u raaceysan safarkaas ay kala yihiin Arthur , iyo Umtiti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*