Ka Dib Markii Champion-ka Ka Hareen , Tababare Lampard Oo Farriin Calaacal Ah U Diray Hazard.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Lampard ayaa aamisan in awood ay ku soo laaban doonaan ka dib markii xalay ay ka hareen Champion-ka

Bayern Munich ayaa Chelsea ka reebtay tartankaas oo ay wada ciyaareen lugta labaad ee wareegga 16-ka waxa ayna isu geynta natiinada labadii kulan isku noqotay 1/7

BBC Sport ayuu Lampard ka yiri” waan awoodaa in aan arko halka aan u soconno , wan ogahay waan soo laabaneynaa”.

” Waxaan heerka ciyaareedkeenii kulankaas arkay wax yaabo wacan iyo kuwo liita , waxaan sameeynay qaladaad keli keli ah “.

” Waxa aan sameyneyno waa waa howl socota waa run halbeegaan ma aha kii Chelsea , waxaan weynay xiddigii ugu fiiucnaa horyaalka Ingiriiska ee Hazard , run ahaantii  bixitaankiisa waa ay ina saameysay”

Waxa uu Lampard intaas sii raaciyay” waxaa la joogaa waqtigii aan ka fikiri laheyn saxidda waxii qaldmay , waxaan dooneynaa in aan horay u sii soconno , waana hubaa Chelsea waa ay soo laabaneysaa”.

1 Comment

  1. Caaqow lampard xaqiiqda ayuu ka hadley ee ma calaacalin ninkasina ka weyn nin calacala wuuba dhaartey in ay so laaban doonan iyagoo awood badan🖕🖕🖕🖕🖕🖕🖕

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*