Ka Dib Dhaawacii Gaaray , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Karaa David Luiz ?

 Daafaca Arsenal ee David Luiz ayaa ku dhaawacmay kulankii Leicester City ee wareegga 6-aad ee horyaalka Ingiriiska

Leicester City ayaa guul qaali ah waxa ay Arsenal ka gaareen dhamaadkii ciyaarta waxaana goolka guusha daqiiqadii 80-aad waxaana ka dhaliyay laacibka shabaqa Gunners jecel ee Jamie Vardy.

David Luiz ayaa dhaawacmay qeybta labaad ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 49-aad oo laag saaray ciyaarta ka dib markii ay ku adkaatay in uu dhameysto ciyaarta waxaana xilligaas lagu badalay Shkodran Mustafi

Arinta haatan cabsida keeneysa in Luiz uu ka sheegtay dhaawac muruqa  waxa uuna garoonka ka baxay isaga oo lutinaya

Xilli Arsenal la filayo in saacadaha soo socda war ka soo saraan xaaladiisa , hadana  waxaa  durba soo baxaya in laacibka uu dhaawacaas uu la maqnaanayo ku dhawaad sedex todobaad.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*