Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd ,Wales Iyo Mareykanka Oo Bar-bar Dhac Ku Hishiiyay

Qaranka Mareykanka ayaa soo bandhigay bandhig wacan , waliba qeybtii hore waxa ay direen farriin ah in aan la dhayalsan karin

Waxaa nasiinada lagu aaday gool ay dhaliyen Mareykanka kaasi oo uu saxiixay  T. Weah , waxa ayna maamuleen dagaalka qadka dhexe xilli Wales isku dayo kala duwan ay muujiyeen balse ma aheyn kuwo mira dhal ah

Mareykanka is afahn iyo deg degsiimo kubad ah ayay ciyaarayeen , sidaas oo ay tahay Wales lama dhayalsan karin

Soo laabashadii , Wales waa soo wacnaadeen , mararka qaar kubaddana waa ka sareyeen tan Mareykanka ayay soo bandhigayeen taasi oo ay sii dheer tahay fursado xaqiiq ah oo ay abuurayeen

Saaxibada Wales ,dhamaadkii kubadda waa ay gaarsiinayeen afka hore waliba halis ayay ahaayeen ilaa qalad lagu galay Bale waxaana rigoore loo dhigay gool u turjumay Bale daqiiqadi 82-aad.

Marka la eego hanaanka ciyaarta labada koox ee qeybta labaad waxa uu ahaa mid u furnaa labada dhinac , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay  min hal

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*