Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd: Leicester City Oo Waqtigii Geerida Ka Soo Taqalustay Arsenal , Jamie Vardy Ayaa looga Mahad Celinayaa

Arsenal ayaa gurigeeda Emirates Stadium lagu garaacay ka dib kulan adag oo ay la ciyaareen kooxda Leicester City kuwaasoo markii ugu horeysay abid ku badiyay garoonka Emirates Stadium kulan horyaalka ah, waana markii ugu horeysay muddo 47 sannadood ah oo ay Leicester ku badiso garoonka Arsenal.

Xaqii laga galay Mesut Ozil ayaa soo dilaacay iyadoo Arsenal uu ka maqnaa hal abuur dhanka weerarka ah taasoo keentay in Leicester City ay qeybtii labaad hesho goolka guusha iyadoo uu u saxiixay Jamie Vardy oo ciyaarta bedel ku soo galay.

Tan iyo markii Mesut Ozil laga reebay liiska 25ka xiddig ee Premier League, Gunners waxay guuldarro isku xigta ka soo kala gaartay Man City iyo Leicester City.

Natiijadaan ayaa ka dhigan inay Arsenal ka dhacday kaalinta 10aad iyagoo leh 9 dhibcood halka Leicester City ay soo gashay kaalinta 4aad iyagoo leh 12 dhibcood.

Tababare Arteta ayaa ku soo bilaabay markii ugu horeysay horyaalka Premier League saxiixa cusub Thomas Partey halka Bellerin, Aubameyang iyo Xhaka ay shaxda ku soo noqdeen ka dib kulankii Europa League.

Arsenal ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo helay fursado dhowr ah oo ay ciyaarta hurdo ugu diri kareen laakiin kama aysan faa’ideysanin.

Alexandre Lacazette ayaa bilowgii ciyaarta shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waxaa loo diiday inuu offisde ahaa, halka daafacyada Leicester ay dhowr jeer ka hor istaageen fursado goolal loo fishay.

Dhanka Leicester waxaa la aamusiyay weerarkooda Maddison iyo Barnes kuwaasoo tijaabin waayay goolhaye Leno iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad Arsenal ayaa dantay iyagoo joojiyay weerarkooda taasoo farxad u aheyd Leicester City kuwaasoo cadaadis uu saarnaa qeybtii hore ee ciyaarta.

Waxay Leicester City bilowday inay iyagana markooda weerar qaadaan bartamihii qeybta labaad iyadoo Rodgers uu ku faraxsanaa sida ay ciyaarta ku socoto.

Ugu danbeyn Leicester ayaa heshay wixii ay raadineysay iyagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 80aad ee ciyaarta, Tielemans ayaa kubad dheer u soo qaaday Under kaasoo durbadiiba u karoos yar u dhigay Jamie Vardy oo madax ku dhaliyay . Waxay aheyd gool si qurux badan la isagu dhiibay.

Under iyo Jamie Vardy oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaana goolkaas iska kaashaday iyadoo Rodgers uu ku guuleystay bedelkii uu sameeyay.

Goolkaas uu dhaliyay Vardy ayaa lagu qaarjiyay Arsenal iyadoo Leicester ay guusheedii ugu horeysay ee Emirates Stadium ay gaartay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*