Ka Dib Ciyaar Waqtiga Dheeriga La Isla Gaaray , Dhamaadkii Ayay Arsenal Guul Qaali Ah Ka Gaareen Newcastle , Wareegga 4-aad FA Cupka Ayay U Gudbeen

Ka dib ciyaar lagu daray waqti dheeri , Arsenal ayaa guul qeybtii labaad waxa ay ka gaareen Newcastle United , waxa ayna iska xaadiriyeen waregega 4-aad ee FA Cup-ka

Sheekada ciyaarta : Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aan halis badan laheyn xilli daafac ahaan ay wacnaayeen .

Biloowgii waa u firneyd ciyaarta inkastoo ka dib Newcastle ay dhaq dhaqaaq badneyd balse Arsenal kubadda aagga goosha ayay gaarsiinayeen marka ay cagtooda gasho .

Dhamaadkii qeybta hore ma jirin koox si gaar ah kubadda cagta ugu haysay balse qeybta labaad waa la filan karay goolal waa hadiid si saxan u go`aamiyaan kubadda ay gaarsiinayeen afka hore

Qeybta labaad , Arsenal ayaa wacneyd balse ma jirrin meel ay kubadda masriiyaan maadaama Newcastle durba ay kubadda soo kala jarayeen .

Newcastle waxa ay shabaqa Arsenal la bartilmaameysanayeen kubadaha laadaadka dhaaadheer maadaama daafac ahaan ARSENaL xerteen dal dalool waliba oo gooshooda lagu gaari karay

Halista ugu weyneyd ee ciyaarta waxa ay timid daqiiqadii 63-aad ka dib kubad uu soo qaaday Pepe ayaa waxaa madaxeeyay Willock balse si cajiib ah ayuu goolhayaha Newcastle u bad baadiyay

Arsneal dhamaadkii , waxa ay xal ka raadinayeen kubadaha laadaadka dhaadheer iyaga ayaana isku day ahaan wacnaa .

Badala Arsenal waxa ay biloowdeen daqiiqadii 57-aad xiligaas oo la soo giliyay Emile Smith-Rowe oo loo saaray Reiss Nelson halka ka dib daqiqiadii 66-aad ay soo galeen Saka iyo Granit Xhaka waxaana loo saaray Willian iyo Willock

Dhamaadkii , Arsenal waxa ay abuurayeen fursado balse ma aheyn kuwo guuleystay halka Newcasle ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli wiilasha Arteta ay mudnaayeen in ay helaan goolka guusha  balse waqtigii caadiga waxa ay isla dhaafi waayeen bar bar dhacaas min halka gool , waxaana lagu daray waqti dheeri ah .

Biloowgii qeybta 1-aad ee waqtiga dheeriga gool xaqiiq ah ayuu goolhayaha Arsenla ka bad baadiyay Carroll

xilli Arsenal iyana daqiiqadii 4-aad laga bad baadiyay gool ka dib kubad uu laaday Xhaka ayaa si la yaab leh waxa koorno ugu saaray goolhayaha Newcastle xilli birta ay ku dhacday , waxaana lagu nastay hadana bilaa goolal

Qeybta labaad , Arsenal waxa ay horay u soo giliyeen Alexandre Lacazette oo loo saaray Nicolas Pepe waxa ayan Arsenal qaadaeen weerar
Weerarka Arsenal waxa aku yimid gool waxana madaxa ku baasay Lacazette waxaan si cajiib ah xabadka ugu qaatay oo shabaqa dhigay Emile Smith-Rowe daqiiqadii 109-aad

Ka dib goolkaas, Arsenal iyaga ayaa kubadd ala wareegay ilaa ay keeneen gool labaad waxana sicajiiba h u dhaliyay Aubameyang daqiiqadii 117-aad waxaana ka shaqeeyya Kieran Tierney , waxa ayna ciyarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Arsenal isaga xaadirisay wreegga 4-aad ee FA Cup-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*