Ka Dib Ciyaar Rigoore La Isla Gaaray :Liverpool Oo FA Cup-ka Ka Qaaday Chelsea

Sheekada qeybta 1-aad  : Liverpool iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Chelsea laba fusrad xaqiiq ah qasaariyeen ‘

Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse daafac Chelsea ayaa foojognaa

Kooxda Tuchel waxa ay ku fiicnaayeen kubadaha rogaal celiska iyo daafaca isla socda  , Liverpool sahal ayay u aheyd in kubadda soo gaarsiiyaan afka hore ee Chelsea balse dhameystirka ayaa ka maqnaa inkastoo mar goolhaye Mendy uu u diiday .

Daqiiqadii 33-aad waxaa Liverpool dhaawac loga saaray Salah oo jug ay gaartay waxaana lagu soo badalay Jota .

Sheekada qeybta labaad : Daqiiqadii  46-aad Chelsea gool ayaa laga bad baadiyay , waliba waa ay sigayeen Liverpool halka kooxda Klopp ay ay raadinayeen jawi ciyaarta kula qabsadaan .

Biloowgaas , Chelsea kubadda waa ku badnaayeen waa ayna u dhawaanayeen gool balse go`aan qaadasho deg deg ah ayaa dilayay

Ka dib biloowgaas , Liverpool jawiga ciyaarta waa ku soo laabteen balse halis gilin muuqata ma aysan sameyneyn , waxa uuna  Tuchel  badel ku soo giliyay N’Golo Kante oo daqiiqadii 66-aad loo saaray Mateo Kovacic

Daqiiqadii 82-aad , Liverpool  gool ayay ku sigteen balse birta ayaa u diiday waxaana lahaa Diaz halka Robertson isna ay birta uga dhacday daqiiqadii 83-

Chelsea dhamaadkii cadaadis ayaa saranaa waa ayna u nuglaayeen goolal xili halista ugu badan ay ka imaaneysay dhanka Diaz , wax aayna ciyaarta ku dhamaatay bilaa goolal waxaana kagu daray waqti dheer .

Qeybta 1-aad ee waqtiga dheeriga : fursad badan ma jirrin labada kooxna waa ay kala baqayeen waxaana lagu nastay bilaa goolal  , waxaana badelka Van Dijk lagu sheegay in uu dhaawacmay isna .

Qeybta 2-aad ee  waqtiga dheeriga : ma jirrin wax muuqda labada koox daal jireed ayaa ka muuqday waxa ayna ku dhamaatay bilaa goolal waxaana la aaday rigoore tuurasho .

Ugu dambeyn waxaa rigooro tuurasho ku badisay   oo Liverpool  ruxday FA Cup-k       a