Ka Dib Ciyaar Dhib Badneyd : Real Oo Guul Cariiri Ah Ku Biloowday Horyaalka

Sheekada ciyaarta : qeybta hore ayaa Real nasiinada loogu diray hal gool oo deg deg ahaa ka dib qalad dhanka daafac ahaa kuwaasi oo si ka bad badis ah uga soo dhaqaaqay aagga gooshooda .

Ka dib goolkaas kooxda horyaalka  dib ugu soo laabatay ee Almeria waxa  ay  ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh halka hubkooda uu ahaa in kubadda lala cararro

Real si ayay gaabis u ahaayeen waana ku adkeyd in kubadda si sax  ah u gaarsiyaan gudaha fog ee sedex xagalka ugu dambeeya ee goosha .

Real waxa ay ka sheeganayeen is fahan la`aan ciyaartooyda ah kuwaasi oo qaarkood garoonka wada galin waxaana maqnaa guud ahaan hanaankii wacnaa ee qadka dhexe .

Qeybta labaad , kooxda Almeria waxaa fursado u goolal ahaa u diiday goolhayaha Real, halistooda waa taagneyd , waxaana Real ka muuqatay in garabha howshooda weerar ay iloowsanayeen .

Mararka qaar kubad neerfoosnimo oo isku dhex yaacsan ayay ciyaarayeen inkastoo badalo uu sameeyay macalinka ay saameyn reebeen gaar ahaa markii Modric horay loo soo giliyay soo laabashadii oo loo saaray Camavinga oo kulankaan liitay

Ka dib soo gilitaankii Hazard  oo booska weeraryahanka labaad ciyaarayay ay keeneen is adel ugu dambeyn uuu ku dhashay goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqadii 61-aad dhaliyay L. Vazquez oo qeybtii hore aad loo dhaliiyay , waxaana ka dib soo galay Alba daqiiqadii 74-aad oo loo saaray Mendy balse durba goolka labaad ayuu dhaliyay daqiiqadii 75-aad ka dib

Ka dib goolkaas  labaad , Real kubadda iyaga ayaa ku badnaa waxa uuna maamulkooda mararka qaar gaarayay %70 , si kastaba wax aay ciyaartaan ku dhamaatay 2/1 ay Real ku heshay guushaaas adag