Ka Dib Ceeb Qeybtii Hore Dhacday , Arsenal Oo Ciyaar Soo Laabasho Leh Sameysay , West Ham Ayay Barbar Dhac La Galeen

Ka dib qeyb hore oo ay ceeb qabsatay , Arsenal ayaa ciyaar soo laabasho leh sameeysay  waxa ayna bar bardhac min sedex gool ah la gashay kooxda West Ham

Arsenal  qeybta hore waxa ay soo bandhigeen ciyaar liidata oo maskixiyan xittaa diyaar uma aysan aheyn waxaana nasiinada loogu diray sedex iyo hal

Qalalaad dhanka baasaska ah oo ay sii dheer tahay is dhigasho dhanka daafac ayaa keenay in si sahal ah loo tago gooshooda, waxa ayna kooxda West Ham ka wacnaayeen dhan waliba

Weerar iyo kubad hayasho ayaa Arsenal lagu dilay  taasi oo keentay in heerka kubad hayshada West Ham mararka qaar gaarto %73, waxaana xusid mudan in xitaa gool qeybtii hore dhaliyeen Arsenal lagu tilmaamo karo nasiib oo dadaal dheeraad ah kuma imaan  waxaana si qaldan  isaga dhaliyay  ciyaartooy West Ham .

Goolasha West Ham waxa ay kala yimaadewn daqiiqadihii 16, 17, iyo 32-aad  halka Arsenal uu yimid daqiiqaddii 38-aad waxa uuna ahaa mid ay si qaldan West Ham isaga dhaliyeen

Qeybta labaad , Arsenla dar dar ayay ku bilaabeen waliba waa ay sigeen shabaqa West Ham balse nasiibka ayaa ka maqnaa illaa ugu dambeyn ay keeneen gool kale daqiiqadii 61-aad  waxaana si qaldan isaga dhaliyay West Ham

Qeybta labaad Arsenal , aad ayay wacnaayeen dhanka weerarka waxaana ka go`naa in natiijada  wax ka badalaan waxa ayna heerka kubad haysashadooda gaareysay %64 , waxa ayna Arsenal badaladii ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 74-aad xilligaas oo ay  soo giliyeen Smith Rowe iyo Pepe oo loo saaray Xhaka iyo Saka

Dhamaadkii , Arsenal iyaga ayaa kubadda maamulkka kubadda waana mudnaayeen bar bar dhac xilli daqiqaddii 81-aad ay soo giliyeen Aubameyang oo loo saaray Martinelli , waxa uuna dadaalkooda ku keeneen gool  uu dhaliyay Lacazette  waxaana ka shaqeeyya Pepe xili goolkaas uu yimid daqiiqadi 82-aad

 

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*